153 qof oo ku dhintay duqayn diyaaradeed oo ka dhacday gobolka Abyei ee dalka Suudaan.

Wednesday October 21, 2026 - 15:27:03
MeMO Staff
Weerar ay fulisay diyaarad aan duuliye lahayn oo Isniintii ka dhacay suuqa Amiet ee gobolka Abyei, oo ah dhul ay ku muransan yihiin Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa lagu dilay ugu yaraan 153 qof, sida uu sheegay masuul ka tirsan maamulka deegaanka.
Weerarkan ayaa la sheegay in sidoo kale uu haleelay bakhaar shidaal, iyadoo dabkii goobtaasi ka kacay uu holcayay ilaa Talaadadii shalay, sida uu sheegay mas’uul maxalli ah.

Yohanna Akol Ngor, oo ah wasiirka ku-meelgaarka ah ee warfaafinta maamulka Abyei, oo ka hadlay dhacdadan ayaa milatariga Suudaan ku eedeeyay weerarkan Isniintii lagu qaaday Suuqa Amiet, oo ku yaalla waqooyiga magaalada Abyei.

Ngor ayaa Talaadadii, isaga oo khadka taleefanka kula hadlay wakaaladda wararka ee Associated Press sheegay in suuro-gal ay tahay in tirada dadka dhintay ay intan kasii bataan.

Sarkaal sare oo ka tirsan milatariga Suudaan ayaa sheegay in ciidanku Isniintii fuliyeen weerar diyaarad aan duuliye lahayn, kaas oo lagu beegsaday booyado shidaal oo ka yimid Koonfurta Suudaan.

Waxa kale oo uu ka sanqariyey in shidaalka booyadahaasi ay u socdeen maleeshiyaadka janjawiidhka ee RSF, isagoo sarkaalku codsaday inaan magaciisa la shaacin, maadaama uusan fasax u haysan inuu warbaahinta la hadlo.

Wuxuu sheegay in dadka la dilay ay ahaayeen xubno ka tirsan RSF iyo dad ku lug lahaa tahriibinta shidaalka. Waxaanu intaas ku daray oo uu yiri "Ma beegsanno dadka rayidka ah,”

AP si madax-bannaan uma xaqiijin bartilmaameedyada weerarka ama cidda ay ahaayeen dadka dhintay. Iyadoo sarkaalku wuxuu sheegay in weerarku ka dhacay meel ka baxsan aagga ka caaggan ciidamada ee ku teedsan xadka Koonfurta Suudaan.

Dad badan ayaa weli la la’yahay, waxaana la filayay in tirada dhimashadu korodho. Dowladda Koonfurta Suudaan ayaa iyaduna milatariga Suudaan ku eedeysay weerarka, waxayna u yeertay safiirka Suudaan si ay wax uga waydiiso dhacdadan.

Abyei oo hodan ku ah shidaalka, ayaa weligeedba ka tirsanaan jirtay dalka Suudaan, balse muran ayaa lahaanshiyaha dhulkaasi la geliyey wixii ka dambeeyey markii gooni loo jaray Koonfurta Suudaan.

Maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Suudaan iyo Koonfurta Suudaan, ayaa haatan ka taliya Abyei, balse waxaa jira cadaadisyo shisheeye oo dadka deggaanka looga dhaadhiciyo sidii ay ugu biiri lahaayeen Koonfurta Suudaan.

Duqayn noocan oo kale ah oo ay ku dhinteen in ka badan 80 ruux oo ay ku jireen ganacsato Soomaaliyeed, ayaa iyaduna maalintii ka horreysay ee Axadda ka dhacday suuq ganacsi oo ku yaalla meel u dhow magaalada Al-Dibaab ee gobolka Kordofan ee dalka Suudaan, oo u dhow xad-beenaadka ay la wadaagaan Koonfurta Suudaan.

FG: Wararka deg-degga ah kala soco:

Related Items

Update cookies preferences